Screen Shot 2021 06 19 at 11.10.01 PM e1624133495767 - Wardeeq news

Waligaa xaalad aad u xun ma gashay kaddib markii ay dharagta kaa badatay?

Waxaa suuragal ah inaad ka qoomamameysay raashinka aad iska badisay ee dhibaatada kuu horseeday.

Laakiin waligaa ma isweydiisay waxyaabo aad sameyn karto marka aad marxaladdaas ku jirto?

1- Oon yuusan ku qabanin

Marka aad dharagsan tahay waxaad dareemeysaa in biyaha ay caloosha kaasii buuxinayaan, kumana dagdageysid.

Balse caafimaad ahaan waxaa kuu wanaagsan inaad iska ilaaliso oonka, cuntadaas badan ee calooshaada ku jirtana ay hesho qoyaan ku filan oo ka caawiya dheef shiidka.

2- Samee Yoga

Yoga waa jimicsiga guriga lagu sameeyo ee iskala bixinta ah. Marka ay cuntada kaa badato waxaad u baahan tahay inaad sameyso Yoga si ay ugu kala dagto calooshaada.

Noocyada kala duwan ee jimicsiga Yoga kii kuu fudud samee.

3- Maskaxdaada daji

Waxaa suuragal ah in marka aad si aad ah u dharagto naftaada canaanato ama dareentid ciil iyo xishood. Laakiin haddii aad dooneyso inaad fududaato waxaa marka ugu horreysa laga billaabaa dajinta niyaddaada.

Ka fogow qoomamada iyo iscanaanashada, kana fikir xalka ugu dhow oo ah inaad isdajiso.

4- Soo lugee

Xoogaa yar oo jimicsi ah ayaa kugu habboon marka aad raashin badan cunto kaddib.

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu sahlan ee aad sameyn karto waa inaad xoogaa soo socsocoto (soo lugeyso).

5- Cun waxyaabo caloosha jilcinaya

Haddii uu raashin adag galo calooshaada waxaa loo baahan yahay inay ka daba tagaan waxyaabo fududeynaya dheef shiidka.

Cuntooyinka caleenta ah ee uu ku badan yahay fiber-ka ma siyaadiyaan dharagta balse waxay ka shaqeeyaan jilcinta caloosha.

6- Seexo

Dabcan waad garaneysaa caajiska faraha badan ee qofka soo wajaha marka uu aad u dhargo.

Jirkaaga wuxuu durba sameynayaa shaqo joojin waxaadna u baahaneysaa inaad nasato.

Maxaad ku diideysaa inaad sameyso waxa uu jirka doonayo, oo ah inaad nasato oo aad seexato?

Haddaba ogow in ay caadi tahay dharagta mararka qaar ka badata qofka, sidaas awgeed ha isku eedeynin inay arrintaas dhacdo.

Kaliya xoogga saar inaad is fududeyso.

Verified by MonsterInsights