7 arrimood oo uu sameeyo qofka raba inuu burburiyo xiriirka jacaylka

0
252

Mararka qaar ma sahlana sida uu ku burburi karo xiriir jacayl ama guur, laakiin wuxuu soo maraa marxalado kala duwan.

Haddii ay xaaladdu gaarto heer xun dadka qaar waxay ku dhaqmaan dabeecado laga dheehan karo inay qorsheynayaan sidii uu xiriirkaas ku dumi lahaa.

Halkan waxaan ku soo bandhigeynaa toddobo ka mid ah dabeecadahaas.

1- Male’awaal ama xukun aan laga fiirsanin

Dhammaanteen waan ognahay dhibaatada ka dhalata marka aan iska maleysanno wax aynaan hubin kaddibna ay noqon waayaan sidii aan moodeynay.

Mar walba oo uu xiriirka kusii dhawaanayo burbur waxaa badanaya male’awaalka qofka damacsan in la kala tago.

2- Eedeyn joogto ah

Waxaa habboon in laga indho daboosho ceebaha yar yar iyo cilladaha aan saameynta badneyn marka aad qof xiriir la wadaagto.

Marka ay xad dhaaf noqdaan eedeymaha ku qotoma khaladaadka iska sahlan waxaa waddo loo furayaa kala go’a labada qof ee is jecel.

3- Dhageysi la’aan

Waxaa jira afar arrimood oo lagaa rabo marka wax laguu sheegayo, si aad u ahaato qof wax dhageysanaya.

  • Inaad isku daydo fahamka waxa laguu sheegayo
  • Inaadan durba go’aan ku dagdagin
  • Inaad dareenkaaga dhageysiga oo buuxa siiso qofka hadlaya
  • Inaad aamusnaato oo aadan ka dhex galin hadalka

Dhammaan qodobbadaas haddii lagaa waado taasi micnaheeda waa inaadan diyaar u ahayn sii socoshada xiriirkaas.

4- Aflagaaddada dadka dhexdooda ah

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu foosha xun ee uu sameeyo qofka lamaanaha ah waa inuu bulshada dhexdeeda ku xushmeyn waayo lamaanihiisa, ama uu ku aflagaaddeeyo.

Inta badan arrintaas waxay horseeddaa kala tagitaan.

5- Is difaacitaan khaldan

Dadku waxay jecel yihiin inay iska caabbiyaan eedeymaha, laakiin mararka qaar waxay inkiraan waxyaabo sax ah oo looga gar leeyahay.

Waxaa jira dad si caddaalad darro ah isu difaaca iyagoo looga baahnaa inay tanaasulaan ama raalligalin bixiyaan.

6- U badashada saaxiibbada kale

Qofka aad nolosha wadaagtaan ama xiriirka leedihiin wuxuu kugu leeyahay xuquuq gaar ah.

Ma wanaagsana inaad waqtigaaga badankiisa siiso saaxiibbada kale, haddii ay taas dhacdana waxaad diyaar u tahay inaad jarto xiriirkaas ama guriga burburiso.

7- Ciriiri shakhsiyeed

Qof walba wuxuu leeyahay shakhsiyad u gaar ah iyo arrimo khaas u ah.

Haddii labada qof mid uu isku dayo inuu cadaadiyo kan kale ama u diido waqti khaas ah waxaa ka dhalaneysa dhibaato ku biyo shubaneysa in la kala fogaado.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here