Ugu yaraan shan qof ayaa geeriyootay 24 kalena waa ay dhaawacmeen, kadib markii uu dumay dhisme dabaq ah oo ku yaalla magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, saacadihii hore ee Sabtida maanta ah, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee dowladda Masar ee MENA.
“Qalalaasaha waxaa laga war-helay 9:00 subaxnimo, waxaa burburay dhisme ka kooban dabaqa hoose iyo sagaal dabaq oo sare,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay maamulka xaafadda el-Salam ee magaalada Qaahira.
Shaqaalaha gurmadku waxay raadinayaan dadkii ku dhintay, kuwa dhawaca ah, iyo dad badqaba oo la aamisan yahay inay ku hoos xayiranyihiin burburka dhismahaan dumay ee baaxadda leh.
“Shan qof ayaa geeriyootay, ugu yaraan 24 kale ayaa dhaawac loo qaaday goobta,” ayuu yiri guddoomiyaha xaafadda uu shilkaan ka dhacay ee el-Salam, Khalid Abdel.
Booliska ayaa isku gadaamay aagga, iyagoo dib u celinaya dadka raadinaya ehelka la aaminsanyahay in dhismahan uu ku dumay. Waxaa la arkaayay shaqaalaha oo adeegsanaya cagaf cagafyo, si ay u nadiifiyaan goobta una soo saaraan dadka.
Lama shaacin waxa sababay burburka dhismaha.
“Guddi injineernimo ayaa loo sameeyay durba, si ay u baaraan isku-haleynta dhismooyinka deriska ah iyo sababta keentay burburkaan,” ayuu yiri Khalid Abdel.
Burburka dhismayaashu ma’ahan wax ku cusub Masar, waxaana ku badan dhismayaasha aan tayada badan laheyn, sida ay werineyso warbaahinta caalamka oo horay wax uga qortay.