DAWLADA SHIINAHA OO DAWLADAHA SHISHEEYE UGA DIGTAY IN AY FARAHA LA GALAAN NIDAAMKA SIYAASADEED EE HONG KONG.

0
219

Madaxweynaha Masar Cabdel Fataax Al Sisi ayaa ka digay wax uu ku Tilmaamay ‘cawaaqib xumo daran oo ka dhalan karta’ haddii biyo xidheenka ay Itoobiya ka dhisayso webiga Nile uu saameyn ku yeesho biyaha gaadha dalkiisa masar.
“Waxaan mar kale ku celinayaa in uusan jirin qof qaadan kara dibic kamid ah biyaha Masar , haddii ay dhacdana waxaa gobolka ka dhici doonaa xasilooni darro aanan la maleysan karin” ayuu yidhi madaxweyne Sisi. Madaxweyne Masar oo ka hadlayay marinka Suez waxa uu sheegay in lasii wadi doono wadahadallada kala dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan ee ku saabsan muranka ka dhashay biyo xidheenka Itoobiya.

“Ma jirto cid aan u goodinayo, wadahadalladeena waa kuwo mar kasta macquul ah”. Itoobiya waxay sheegtay inay sii wadeyso buuxinta biyo xidheenka marka ay roobabka bilawdaan halka Masar iyo Suudaan ay doonayaan in wadahadal lagu soo afjaro murankaasi.”

By:Jim’ale ismail

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here