Waa kuma wiilka doonaya inuu baddelo feeryahanka Muslimka ah ee Khabib?
Khabib waxaa loo arkaa inuu yahay mid kamid ah halgamayaashii ugu fiicnaa ee MMA marwalba xitaa kadib markii uu ka fariistay cayaaraha sanadkii hore isaga oo rikoor fiican ka heysta.
“Waxay ii tahay dhiiro galin weyn inaan ku dagaalamo magaca Nurmagomedov,” Usman ayaa sidaasi usheegay wardeeqnews
“Waxaan rabaa inaan raaco raadadka Khabib, inaan raaco safarkiisa, aakhirkana aan noqdo qof ka sii wanaagsan isaga.”
Usman waxa uu bishii Oktoobar heshiis la saxeexday shirkadda fadhigeedu yahay Maraykanka oo lagu magacaabo MMA oo ah shirkad maalgelisa ciyaarta Bellator ka dib markii uu si qurux badan ugu bilaabay xirfaddiisa.
22 jirkaan ayaa dhammeystiray 10 ka mid ah 11-ka dagaal ee uu ka qeyb galay, iyadoo toddobo ka mid ah uu yimaaday wareega koowaad.
“Dhammaan tababarkayga oo dhan waxaan la qaatay Khabib,” ayuu yiri Usman.
“Waa shaqo aad u adag in lala tartamo oo lala tababarto. Marka sidaa darteed marka uu tabarka dhamaado waa kuu fududaanayo inaad la dagaallanka dadka kale.”
“Wax walba waxaan ka bartaa Khabib. Mar kasta oo aan doonayo inaan wax ogaado ama barto, Khabib ayaa jooga.”