Farmaajo oo Caawa ka hadlaya xaaladda Cakiran ee dalka iyo Doorashada

0
283

Madaxweynaha dowladda Federaalka ee muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad u jeedin doona shacabka Soomaaliyeed, sida shaacisay goordhaweyd Madaxtooyada dalka.

Qoraal ay soo saartay Madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in Caawa Farmaajo uu ka warbixin doono xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa goor dhow shaaca ka qaaday in dalka uu qaadayo doorasho, isla markaana la joojiyo dhaq-dhaqaaqyada iska soo horjeeda ee ka socda Magaalada Muqdisho.

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kasoo horjeestay muddo kordhinta labada sanno ee loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo.

Saacadihii lasoo dhaafay xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemayay Magaalada Muqdisho, isla markaana waxaa laga barakacay degmooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Banaadir, kadib markii dadka ay dareemeen cabsi dagaal

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here