Monday, May 20, 2024

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Taliye ku xigeenkii booliska Gobolka Banaadir oo u geeriyooday dhaawac soo gaaray

Taliye ku xigeenkii booliska Gobolka Banaadir oo u geeriyooday dhaawac soo gaaray

Allaha u naxariistee taliye ku xigeenkii qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir, G/Sare Axmad Cabdi Wehliye ayaa caawa Isbitaalka Digfeer ugu geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxii 9-kii bishan ka dhacay saldhiga booliska degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Weerarkaas oo uu fuliyey qof is-miidaamiyey waxaa horay ugu dhintay dad ay ku jireen laba sarkaal, oo kala ahaa Taliyihii saldhigga la qarxiyey ee Waaberi Gaashaanle Axmed Baashane iyo Taliye ku xigeenkii qeybta booliska gobolka ee Waliyow Cadde G/Dhexe Cabdibaasid.

Sarkaalka caawa geeriyooday ayaa noqonaya kii 3-aad ee ugu darajada sareeyay saraakiisha lagu dilay qaraxaas, waxaana geerida G/Sare Axmad Cabdi Wehliye warbaahinta u xaqiijiyey Afhayeenka booliska Sadiiq Aadan Cali.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa tacsi u diray qoyska, caruurta, ehallada, ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Taliye Axmed Cabdi Wehliye, sida lagu shaaciyey qoraal lagu baahiyey bogga Facebook-ga ee wasaaradda arrimaha gudaha DF.

“Ugu dambayn, Wasiir Mukhtaar ayaa Alla uga baryay in Marxuum Axmed uu  Jannadii Fardowso  ka waraabiyo, samir iyo iimaanna uu Alle ka siiyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

RELATED ARTICLES

Muxuu Yahay Xalka Labada Dhiinac khilaafka DF Soomaaliya iyo Puntland

Wakiika gaarka ah ee Qaramada Midoobayu qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Marwo Catriona Laing ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe...

Mid, Kamid Ah  Ayaa Ka Soo Goostay Shabaab

Aadan Macalin Cali Yarow ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ka howl-gala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Aadan...

Dowlada Federaalka Somaliya Oo Ku Faantay Arrin Ay Sheegtay inay Dalal Badan uga Horeyso – Maxay Tahay ????

La-taliyaha Madaxweynah JFS ee Arrimaha Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sidoo kale waxa uu ku faanay in dhanka diblomaasiyadda...