Dowlad Goboleedka Puntland Ayaa Si Rasmi Ah U Daah-Furtay Duulimaadyada Caalamiga Ah Ee Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso

0
119

kadib markii dib u dhis ballaaran iyo dayactir lagu sameeyey dhismaha garoonkaasi diyaaradeed.

Ilyaas Cismaan Lugatoor (Gebiley) oo ah wasiirka duullista hawada iyo garoomada Puntland oo qoraal soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in diyaaradaha caalamiga ah ay kasoo degi karaan garoonka weyn ee agaalada Boosaaso, sidoo kalena ay ka dhoofi karaan.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in duulimaadkan uu noqon doona mid joogto ah, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan, sidii loo sii horurmarin lahaa.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay inay ka maamul ahaan ka go’an tahay horumarinta duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ee maamulka Puntland.

“Waxaa naga go’an horumarinta Duullimaadyada Gudaha iyo Caalamiga ee Puntland si ay u fududaato isu socodka dadka reer Puntland,” ayuu yiri wasiir Ilyaas Lugatoor.

Duulimaadkan cusub ee ay Puntland ku soo kordhisay garoonka  Boosaaso ayaa noqon doono mind maalin kasta oo Talaado ah,waxaana sameyneyso shirkadda Halla Airlines.

Sidoo kale wuxuu duulimaadkan isku xiri doonaa magaalada Shaariqa ee dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Si kastaba, Puntland ayaa xiriir wanaagsan la leh Imaaraadka Carabta oo mashaariic kala duwan ka fuliyo deegaanada maamulkaasi.

Boosaaso - Wardeeq news 196469203 4136622966418451 2813537116376206433 n - Wardeeq news 197390002 4136622856418462 7686011936608460685 n - Wardeeq news 197970467 4136623036418444 611634371143680713 n - Wardeeq news

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here