Wasiirka Wasaaradda Dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle Cabdikariin Cali Nuur ayaa boogaadiyay Dadaalada Nabadeeynta ee kasocodo Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan taasoo ay siwadajir ah ay iskaga kaashanayaan Maamulada Galmudug iyo Hir-shabeelle oo Garab ka helayo Odayaasha dhaqanka Beelaha.
Wasiir Cabdikariin ayaa ku boogaadiyay Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed Dadaalada xakameeynta Nabadeeynta ee Labadii Cisha La soo dhaafay Beelaha oo kaashaneyo Maamulada Matabaan iyo Guriceel ee Galmudug iyo Hir-shabeelle ay kawadeen Magaalada Matabaan oo Gogasha Nabadeeynta ay kasocota.
Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay inay ka wasaarad ahaan kaqeyb qaadan doonaan Dadaalada Nabadeeynta taaso kaqeyb ka ah ujeedkiisa Maanta baladweyne wasiirka u soo Gaaray sidu warkiisa ku sheegay,
Sido kale Xal ka Gaarida Daagaaladii Duleedka Magaalada Beledweyne kadhacay ayuu wasiirka soo dhaweyay asigoo tilmaamay inu dhawaan shir dhameeystir u ah howlahasa dib u heshiisiinta leyskugu keeni doona beelaha.
Wasaaradu ayuu sheegay inay si gaar ah iskaga xil Saari doonta Howlaha dib u heshiisiinta Beelaha Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle.
Wasiirka dib u heshiisiinta iyo Wafdi u hogaaminayo oo ay qeyb kayhiin Masuliyiin kasocoday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa Magaalada baladweyne u Soo Gaaray dhameeystirka howlaha dib u heshiisiinta ee kasocodo Degmooyinka Matabaan iyo baladweyne.