Jubbaland oo jawaab adag ka bixisay dhaq-dhaqaaqa ciidanka ee degmada Luuq

Jubbaland oo jawaab adag ka bixisay dhaq-dhaqaaqa ciidanka ee degmada Luuq

Waxaa maanta la filayaa in Maamulka Jubbaland uu jawaab ka bixiyo tallaabadii ay shalay qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo ahayd in ciidamo fara badan iyo saraakiil sare la geeyo degmada Luuq ee gobolka Gedo.

 

Wararka ayaa sheegaya in wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, uu maanta ku wajahan yahay degmada Luuq, halkaas oo ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa labada dhinac.

 

Socdaalka wafdiga ayaa lagu wadaa inuu qayb ka noqdo dadaallada Jubbaland ay ku muujinayso mowqifkeeda ku aaddan joogitaanka ciidamada dowladda ee degmada. Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in Maxamuud Sayid Aadan uu halkaasi ka bilaabi doono qorshayaal looga hortagayo faragelinta dowladda federaalka, isagoo adkaynaya in maamulka degmada Luuq uu hoostago Jubbaland isla markaana aysan gacantooda ka bixi doonin.

 

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay doonayso inay ka hirgeliso degmooyinka gobolka Gedo doorashooyin qof iyo cod ah, iyadoo la tixgelinayo in muddo xileedkeedu uu gabaabsi yahay. Si kastaba, Jubbaland ayaa si adag uga soo horjeedda qorshahaas, waxayna ku dadaaleysaa sidii ay uga hortagi lahayd.

 

Xiisaddan ayaa sare u qaadaysa walaaca laga qabo isku dhacyo siyaasadeed iyo kuwo amni oo ka dhaca gobolka, iyadoo indhaha lagu hayo tallaabooyinka ay maanta qaadaan mas’uuliyiinta Jubbaland iyo dowladda federaalka.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights