Go’aan Adag: Puntland oo Ka Hadashay Maamulka Waqooyi Bari iyo Saameynta Sool & Cayn”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si cad u muujiyay mowqifkiisa ku aaddan maamulka SSC-Khaatumo, isagoo sheegay in Puntland aysan aqoonsanayn maamulkaasi.
Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in arrinta SSC-Khaatumo ay weli u baahan tahay wadahadal iyo xal siyaasadeed oo laga gaaro, isagoo xusay in Puntland ay ku taagan tahay ilaalinta midnimadeeda iyo xuduudaheeda.
Dhanka kale, wuxuu ka hadlay kuraasta deegaanada Sool iyo Cayn ee ku jira Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in Puntland aysan faragelin doonin kuraastaas.
“Tobanka kursi ee Sool iyo Cayn ma faragelinayno, balse waxaan rajeynayaa in doorashada ka dib aan heshiin doono,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay jiraan murano siyaasadeed oo ku saabsan maamulka iyo matalaadda deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn, kuwaas oo ay ku loolamayaan dhinacyo kala duwan.
