Shacabkii la Barakiciyay oo Codkoodii u Gudbiyay Mucaaradka”

Kulan ay isugu yimaadeen siyaasiyiin mucaarad ah iyo dad laga barakiciyay guryahoodii ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan hoyga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray cabashooyinka dadka laga saaray guryahooda, kuwaas oo sheegay inay soo wajahday dhibaatooyin ba’an kadib burburin lagu sameeyay hoygoodii. Qaar kamid ah dadkaasi oo ka hadlay goobta kulanka ayaa si cad u muujiyay sida ay u saameeyeen howlahaas, iyagoo sheegay inay noqdeen dad hoy la’aan ah isla markaana ay la daalaa dhacayaan nolol adag.
Dadka la barakiciyay ayaa sidoo kale ku dhawaaqay inay hormuud ka noqon doonaan bannaanbaxyo ay uga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay inay dhulkoodii u wareejisay ganacsato iyo siyaasiyiin, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan baarlamaanka.
Dhanka kale, siyaasiyiinta mucaaradka ee kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay inay garab taagan yihiin shacabka la barakiciyay, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan sidii cadaalad loogu heli lahaa. Waxay sidoo kale cadeeyeen in aysan ogolaan doonin wax ay ku tilmaameen muddo kororsi sharci darro ah.
Kulankan ayaa imanaya xilli ay isa soo tarayaan cabashooyinka la xiriira burburinta guryaha iyo barakicinta shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, iyadoo arrintaas lagu Eedeynayo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo qaar kamid ah saaxiibadiisa siyaasadeed.
