Xarigga Maamulaha Favori: Sababta dhabta ah maxay tahay?”

Xarigga Maamulaha Favori: Sababta dhabta ah maxay tahay?”

Waxaa la sheegay in Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho lagu xiray maamulaha shirkadda Favori iyo ku xigeenkiisa oo u dhashay dalka Turkiga, kadib khilaaf iyo eedeymo la xiriira hab-maamulka garoonka.

 

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in mas’uuliyiintan sare ee Favori muddo lagu eedeynayay faragelin ay ku hayeen maamulka garoonka iyo xarumaha kala duwan ee dowladda ee ka howlgala gudaha garoonka. Sidoo kale, ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in madaxda la xiray lagu tuhunsan yahay inay hormuud u ahaayeen cadaadis iyo dhibaatooyin lagu hayay qaar kamid ah shaqaalaha Soomaaliyeed ee u shaqeeya shirkadda.

 

Xariggan ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay iska hor imaad u dhexeeyay shirkadda Favori iyo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), oo ah hay’adda dowladda u qaabilsan maamulka hawada iyo garoomada dalka.

 

Dowladda Turkiga, oo ka mid ah dalalka sida weyn uga taageera Soomaaliya dhinacyada amniga, dhismaha hay’adaha dowladda iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, ayaa horey ugaalin weyn uga geysatay dib u dhiska garoonka Aadan Cadde. Hase yeeshee, waxaa soo noqnoqday cabashooyin la xiriira hab-dhaqanka shirkadda Favori iyo sida ay ula macaamisho shaqaalaha iyo hay’adaha dowladda.

 

Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ama shirkadda Favori oo ku saabsan xariggan iyo eedeymaha loo jeediyay mas’uuliyiintaasi.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights