War Degdeg ah: Mid kamid ah waddooyinka laga galo Garoonka Aadan Cadde oo maanta xiran”

Warar laga helayo gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xaalad biyo fariisin ah ay gebi ahaanba saameysay qeybo ka mid ah irridda laga galo garoonka, gaar ahaan albaabka hore ee loo yaqaan “Sahal”, taasoo sababtay hakad ku yimaada dhaqdhaqaaqii caadiga ahaa.
Goobtan oo ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan ee ay isticmaalaan rakaabka ayaa lagu arkay biyo fariisin xooggan oo xannibay marinka, iyadoo wararku tilmaamayaan in xaaladdaasi ay si toos ah u saameysay habsami u socodkii adeegyada muhiimka ah ee halkaasi ka jiray.
Sidoo kale, Biyah ayaa gaaray goobihii ay fariisan jireen ciidamada amniga, taasoo keentay in si ku-meel-gaar ah loo joojiyo shaqadii hubinta iyo kormeerka amniga ee laga fulin jiray irriddaas. Arrintan ayaa dhalisay walaac la xiriira badqabka iyo kala dambeynta howlaha garoonka.
Dadka goobta ku sugan ayaa sidoo kale tilmaamaya in inkastoo xaaladda deegaanka ay sidaas u liidato, haddana ay weli muuqdaan boorar waaweyn oo xayeysiin ah oo ay leeyihiin qaar ka mid ah ganacsiyada ugu waaweyn dalka, kuwaasoo si weyn uga dhex muuqda goobta ay biyuhu hareeyeen.
Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa lagu dhaliilay in aysan si degdeg ah uga jawaabin xaaladda biyo fariisinta ah ee soo noqnoqotay, taasoo saameyn ku yeelatay kaabeyaasha muhiimka ah ee caasimadda.
