Weerar;- madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig ku yaal Gobolka Shabeellaha Dhexe

0
101

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay tiro madaafiic ah oo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay ku weerareen deganka Biyo-Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugna yihiin Ciidamada dowladda & Al-Shabaab.

Goobjoogayal ayaa waxaa ay sheegeen in madaafiicda badankood lagu weeraray saldhigyada Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM, isla markaan ay maqleen in uu jiro khasaaro dhaawac ah oo ka dhashay madaafiicda.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada AMISOM ay dhankooda madaafiic xoogan ugu jawaabeen Al-Shabaab,waxaana dadka degaanka ay sheegeen in casbi xoogan ay soo wajahday intii madaafiicda ay is weeydaarsanayeen labada dhinac.

Wararka naga soo garaya degaanka Biyo-Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xaalada in haatan ay tahay mid degan, balse dadka qaarkood ay bilaabeen inay isaga barakacaan, iyaga oo aaday degaannada kale ee ku dhow dhow degaanka.

Weerarkaan madaaficda ah ee lagu qaaday degaanka Biyo-Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa kusoo aadaya xilli shalay arroortii hore qarax Ismiidaamin ahaa oo gaari loo adeegsaday lagu weeraray Saldhiga deeganka Biyo Cadde, kaasoo sababay dhaawaca Taliyaha guutada 4-aad qeybta 27-aad Korneel Saney Cabdulle iyo dhimashada afar askari oo ka mid aheyd ilaaladiisa.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here