Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed, Gudomiyaha Gobolka SH Hoose dhagax-dhignay

Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed, Gudomiyaha Gobolka SH Hoose iyo Maamulka Degmada Afgooye, ayaa si rasmi ah u dhagax-dhignay dhismaha waddooyin cusub oo ay Dowladda Hoose ee Afgooye ka hirgelinayso Suuqa Weyn ee Hilwaaley.
Mashruucan dhismaha waddooyinka oo ku saleysan isku-tashi maamul iyo bulsho, waxaa iska kaashanaya Dowladda Hoose ee Afgooye, Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Bulshada Degmada Afgooye.
Ujeeddada mashruucan ayaa ah fududeynta isu-socodka ganacsiga, hagaajinta bilicda suuqa, iyo horumarinta dhaqaalaha Degmada Afgooye, si loo abuuro jawi ganacsi oo casri ah una adeega baahiyaha bulshada
