Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed, Gudomiyaha Gobolka SH Hoose  dhagax-dhignay

Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed, Gudomiyaha Gobolka SH Hoose iyo Maamulka Degmada Afgooye, ayaa si rasmi ah u dhagax-dhignay dhismaha waddooyin cusub oo ay Dowladda Hoose ee Afgooye ka hirgelinayso Suuqa Weyn ee Hilwaaley.

 

Mashruucan dhismaha waddooyinka oo ku saleysan isku-tashi maamul iyo bulsho, waxaa iska kaashanaya Dowladda Hoose ee Afgooye, Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Bulshada Degmada Afgooye.

 

Ujeeddada mashruucan ayaa ah fududeynta isu-socodka ganacsiga, hagaajinta bilicda suuqa, iyo horumarinta dhaqaalaha Degmada Afgooye, si loo abuuro jawi ganacsi oo casri ah una adeega baahiyaha bulshada

Leave comment

Your email address will not be published. Required fields are marked with *.