Untitlekkkd e1624273292509 - Wardeeq news

Dhimista miisaanka waa mid ka mid ah yoolalka ugu waaweyn ee laga hiigsado caalamka.

Mararka qaar adigoo jimicsi kugu filan sameeyay ama raashinka iska xakameeyay ayuusan wax miisaan ah kaa dhaceynin.

Maxay yihiin sababaha ugu waaweyn ee hor istaaga inuu culeyskaaga hoos aado?

Khubaro daraasado kala duwan sameeyay ayaa shaaca ka qaaday in sababahaas ay ku jiraan ilaa shan arrimood.

Marka aad ogaato sababaha waxaa suuragal ah inaad horumar ka sameyso iscaateynta.

1- Sokorta dhiigga oo sidii la rabay aan u shaqeynin

Habka ay u shaqeyso sokorta dhiigga waxay kaalin muhiim ah ka qaadataa soo saarista tamarta iyo in sokorta lagu leexiyo unugyada ay isleeyihiin.

Haddii ay taas dhici weyso waxaa meesha ka baxay hoos u dhacay

2- Shaqada unugyada dhiigga cad

Qeybo ka mid ah difaaca jirka qofka, sida unugyada dhiigga cad, waxay hor istaagaan hannaanka iscaateynta kaddib marka uu jirku bixiyo astaamo la mid ah kuwa yimaada marka uu fayras soo galo.

Mar walba oo ay baruur gubato waxaa abuurmaya mid kale oo deg deg ku buuxineysa booskeeda.

3- Hormoonada oo aan isku dheellitirneyn

Kaalinta hormoonnada waxay aad muhiim ugu tahay dhimista miisaanka.

Qiyaastii 50 kiimiko oo hormoonadaas ah ayaa ku sameysan jirka gudihiisa.

Waxaa muhiim ah inay isku dheelitiran yihiin oo ay si wada jir ah u shaqeeyaan.

4- Walwalk

Dunida aan hadda ku nool nahay lagama waayo marxalado adag oo sababa walwal.

Sidaas awgeed, inta uu walwalkaagu badan yahay ayuu yar yahay miisaanka kaa dhacaya marka aad iscaateyneyso.

5- Macdanta oo aan isku dheelitirneyn

Jirkaagu wuxuu u baahan yahay vitamiino iyo macdan ka caawisa howsha dhimista miisaanka, waana inay isku dheelitirnaadaan oo qaarkood aysan maqnaanin.

Sidoo kale waxaa dhibaatadan keeni kara cuntada badan oo qofka uusan iska xakameynin.

Talada ugu fiican waa in marka aad jimicsi sameyneyso ama gym-ka u adeegsaneyso dhimista miisaanka aad dhanka kalena la socoto shaqada jirkaaga iyo wax walba oo lagaaga baahan yahay.

Verified by MonsterInsights