Maxkamada CQS oo bilaabeyso dhageysiga dacwad loo heysto rag ajaaniib ah

0
94

Maxkamadda Ciidamadda ayaa dhowaan la filayaa in ay billaawdo dhagaysiga dacwad loo haysto 2 eedeysane oo ajanabi ah oo u kala dhashay Ingiriiska iyo Malaysia, kuwaasoo loo haysto inay ka tirsanaayeen kooxda argagixisadda ee alshabaab.

Eedaysanayaashaan  ayaa loo heystaa inay dalka ku soo galeen sharci darro iyo inay ka barbar dagaaalameen kooxda argagixisadda ah ee alshabaab.

Waxaa sidoo kale  loo heystaa in mudadii ay somaliya joogeen inay geysteen tacaddiyo iyo gabood fallo ka dhan ah muwaadiniin soomaaliyeed iyo inay qayb ka noqdeen weeraro argagixisnimo.

Kooxda Al-shabaab ayaa inta badan dalka ku soo hoggaamisa kooxo ajanabi ah oo dalalkooda ka soo galay dambiyo,si ay qayb uga noqdaan xasuuqa kooxdaasi ay ku heyso shacabka soomaaliyeed.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here