Hogaamiyeyaasha Tigreega ee dagaalku saameeyay ee Itoobiya ayaa ballanqaaday inay ka saari doonaan “cadowga” gobolka iyagoo soo jeedinaya in dagaalku sii socon doono inkasta oo dowladda federaalka ay ku dhawaaqday xabad joojin.
Ciidamada Tigreegu waxay wadeen hawlgalo “mop-up” talaadadii ka dhan ahaa ciidamada dawlada Ethiopia ee dib uga guranayay caasimada gobolka ee Mekelle magaaladuna “boqolkiiba boqol” ayey dib ugula soo noqotay maamulkeeda.