Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa ka fiirsaneysa inay u kusoo celiyaan ciidamada Mareykanka Soomaaliya lix bilood uun ka dib markii ay dhamaantood ka wada baxeen dalka iyadoo qeyb ka ah aragtida guud ee milateriga.
Bishii Diseembar, Madaxweynihii xilligaas ee Donald J. Trump wuxuu amar ku bixiyey in ciidammadu ka baxaan Soomaaliya taasoo qayb ka ah dadabballada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu dhimo tirada ciidamada la keenay Soomaaliya. Tan iyo waqtigaas, ciidamada Mareykanka waxay hayeen shaqo, iyaga oo tegay dalalka deeiska la ah Soomaaliya, waxaana ay u tababareen Ciidamo farabadan.
Taliyaha AFRICOM Gen. Stephen J. Townsend, oo ka hadlaya 29-ka Juun intii lagu gudajiray Xarunta Istiraatiijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ee EU ee Golaha Difaaca Washington, wuxuu sheegay in Pentagon-ka ee uu madaxweynaha ka yahay Joe Biden ay ku jiraan marxaladihii ugu dambeeyay ee beddelka booska ciidanka ee gobolka.
“Waxaan horay iyo gadaalba ula soo xiriiri jiray hogaamiyeyaashayda rayidka ah ee Wasaaradda Difaaca, Xoghayaha Difaaca, anigoo siinaya xulashooyin,” ayuu yiri Townsend. “Waxaana u maleynayaa inaan xulashooyinkaas ku ilaalin doonno halka ay tahay inay ahaadaan, isgaarsiinta gaarka ah ee Xoghayaha Difaaca, sidaa darteed hoggaamiyeyaasha rayidka ah waxay fursad u leeyihiin inay go’aanadooda gaaraan ayuu yiri” taliyaha.
Townsend wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in sida ugu wanaagsan ee loola shaqeyn karo shuraakada Afrika ay tahay wadashaqeyn, fool-ka-fool ah oo muddo gaaban gudahood ah.
“Runtii ma dafiri karno dib uga bixitaankeenii Soomaalida ee sida lama filaanka aheyd horaantii sannadkan ay soo bandhigtay khatar iyo murugo Marka, waxa aan isku dayeyno inaan sameyno waa inaan maareyno halistaas maadaama aan wali isku dayeyno inaan gacan ka geysano la-hawlgalayaasheena Afrika dhibaatooyinka ay la leeyihiin xagga amniga.”
Mareykanka ayaa Soomaaliya waxaa ka joogay in ka badan 700 oo Askari, kuwaas oo Ciidamada dowladda Soomaaliya siin jiray tababar mararka qaarna fulin jirah duqeymo lala beegsado Al-Shabaab.