Ra’iisul Wasaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goor dhaweyd gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubaland, halkaas oo ay ku soo dhaweeyay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam.
Ilo wareedyo ku dhow safarka Ra’iisul Wasaraha ayaa wardeeqnews.net u xaqiijiyay in ujeedada ugu weyn ee safarka Rooble ay tahay sidii dib u heshiisiin looga sameyn lahaa khilaafka gobolka Gedo. Safarka Ra’isul Wasaaraha ayaa sidoo kale qeyb ka ah dardargalinta hannaanka doorashada.
Rooble ayaa sidoo kale maalinta Jimcaha ah la filayaa inuu gaaro xarunta gobolka Gedo ee Garbahaarey, waxaana gobolka Gedo maamulkiisa muddo dheer isku hayay dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka Jubaland.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhawaan magacaabay gudida dib u heshiisiin gobolka Gedo ah, kaas oo aysan ku jirin xubno ka soo jeeda Jubaland.
Wuxuu sidoo kale Rooble dhagax dhigi doono mashaariic dhowr ah oo dowladda Federalka ay ka fulineyso magaalada Kismaayo.
Waa safarkii ugu horreeyay ee Ra’isul Wasaare Rooble uu ku tago Jubaland.