wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed

Degmada Wanlaweyn waxaa maanta soo gaaray wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Xasan Cabdi Qaadir, waxaana wehlinayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Mudane Ibraahim Aadan Cali (Najax). 
Wafdiga ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Degmada Wanlaweyn oo maalmahan ku maqnaa howl shaqo.

Mas’uuliyiinta ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Wanlaweyn, waxaana soo dhaweynta ka qeyb qaatay maamulka degmada, saraakiisha amniga,

Soo dhoweeyn kadib masuuliyiinta ayaa hadal jeedin dar daaran ah la yeeshay ciidamada qaranka darwiishta iyo poliiska gaarka ah koonfur ee ku sugan degmada oo ay hogaaminyaan sarkiisha Taliyaha Guutada 7aad gaashanle sare axmed gaaashan Taliyaha Booliska degmada cabdall isaaq iyo taliye Halac.

