Ciidamada amaanka ee Haiti ayaa toogasho ku dilay afar qof oo looga shakisanyahay inay dileen madaxweynaha Jovenel Moise waxayna qabteen labo kale, taliyaha booliiska ee dalka ayaa sheegay Arbacadii, iyadoo dilkii naxdinta lahaa uu ku hanjabay inuu galayo umuuraha horeyba saboolka u ahaa, ee dhibaatada ku haysay Caribbean-ka oo qoto dheer galay.
Agaasimaha guud ee booliska Leon Charles ayaa ku tilmaamay afarta qof ee ladilay inay yihiin “calooshood u shaqeystayaal” wuxuuna sheegay in ciidamada amaanka ay kujiraan dagaal xoogan oo ay la galayaan ragii dilay madaxweynaha xalay gurigiisa.