Itoobiya, Juun 20, 2021 [Faylka: Yasuyoshi Chiba / AFP] Waxaa qoray Zecharias Zelalem 10 Luulyo 2021 Qabsashadii caasimada Tigray ee, Mekelle, oo ay qabsadeen ciidamada Itoobiya dhamaadkii bishii Nofeembar waxaa lagu sawiray xukuumada Addis Ababa inay tahay dhabarjab dhameystiran oo ku aadan xoogaga daacada u ah dowladdii hore ee waqooyiga. Laakiin bishii Juun 29, toddobo bilood ka dib markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu ku dhawaaqay guul, ciidamadiisu waxay faarujiyeen magaalada Mekelle iyadoo lagu jabiyey goobihii dagaalka ka dib markii ay bilaabeen dagaal rogaal celis weyn oo ay ku soo qaadeen ciidamada Tigreegu.