Villa Somalia iyo Galmudug oo Isku Dhacay: Tallaabooyinkii Maanta oo Khilaafka Sii Huriyay

1 minute, 0 seconds Read

Waxaa soo ifbaxaya khilaaf siyaasadeed oo xoogan oo u dhaxeeya madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, kaddib tallaabooyin iska soo horjeeda oo maanta laga qaaday taliska Booliska Galmudug.

 

Xiisaddan ayaa ka dhalatay kadib markii Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi uu xilkii ka qaaday Taliyihii Booliska Galmudug Korneyl Khaliif Cabdulle Maalin, isla markaana uu magacaabay taliye cusub oo lagu magacaabo Gaashaanle Sare Maxamed Daahir, oo hore u ahaa Taliyaha Guutada Ilaalada Madaxda Qaranka iyo Hay’adaha Dowladda (VIP).

 

Hase yeeshee, wax yar kadib waxaa tallaabadaasi si cad uga horyimid Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), kaas oo sheegay in Korneyl Khaliif Cabdulle Maalin uu weli yahay Taliyaha rasmiga ah ee Booliska Galmudug, isla markaana aanu jirin wax isbeddel ah oo maamulka Galmudug aqbalay.

 

Wararka soo baxaya ayaa tilmaamaya in Villa Somalia ay si toos ah u riixeyso isbeddel lagu sameeyo hoggaanka Booliska Galmudug, halka maamulka Galmudug uu arrintaasi u arko faragelin lagu sameynayo awoodaha maamulkaasi u gaarka ah.

 

Khilaafkaan cusub ayaa si weyn u muujinaya jahwareerka siyaasadeed ee sii kordhaya ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug, kaas oo lala xiriirinayo arrimaha doorashooyinka dhawaan la filayo inay ka dhacaan degaannada Galmudug

Gudaha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *