Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kuwa Galmudug Oo Dhaqdhaqaayo Ciidan ka Wada Koonfurta G/Mudug

0
220

Iyadoo Saacadiihii lasoo dhaafay Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Galmudug Oo isku dhinac ah  iyo xubno ka tirsanaa dagaalamasha Al-Shabaab ay ku dagaalamayeen Deegaano Dhaca Koonfurta Gobolka Mudug Ayaa waxaa lagu soo waramayaan in saakay markale Ciidamada Dowlad Goboleed Galmudug iyo kuwa qarankuba ay howlgalo iyo Dhaqdhaqaayo Ciidan ka Wadaan Deegaano ka tirsan Gobolka mudug

Ciidamada ayaa si gaar ah la sheegay in Dhaqdhaqaayada ay uga wadaan deegaano hoostaga Degmada Xarardheere ee Gobolkaasi Mudug ee Bartamaha soomaaliya

Ciidamada Dowladda iyo Kuwa maamulka galmudug ayaa dagaaladii ugu dambeeyay oo ay lagaleen Al-Shabaab guulo dhowr ah ka sheegtay iyagoona soo bandhigay goobo iyo saldhigyo cusub oo ay sheegeen in ay kala wareegeen xubno ka tirsan Dagaalamasha Al-Shabaab

Howlgaladaan ayaa saraakiisha ciidanku sheegeen in ay qeyb ka yihiin dagaalada guud ee Gobolada Dalka ka soconaya kuwaas oo Al-Shabaab looga saaray Deegaanada ay gacanta ku hayaan si gaar ah Gobolka Mudug

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here