Waxaana maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ay soo gaaran Wafdi balaaran oo ay hogaaminayso wasiirka arimaha dibada kenya
Wafdigaan oo imaashiyihiisa aysan faahfaahin ka bixin xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa la hadal hayaan in maanta ay kusoo wahajahan yihiin muqdisho
Ujeedka Wasiirka arimaha Dibada kenya ay Muqdisho u imaanaso ayaa waxa lagu sheegay in uu yahay in kulamo ay la qaadato masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaaliya
<span;>Si gaar ah wararku waxa ay tilmaamayaan in ay doonayso in ay la kulanto raiisul wasaare rooble iyada oo kala hadlaysa arinta qadyada bada iyo sii xooginta xiriirka labada Dowladood oo mudooyinkii mugmugdi uu ku jiray
Socdaalka wafdika ka imaanaya kenya ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Uu soo saaray wareegto oo kujoojinayo in hay,adaha Dowladda ay galaan wax heshiis ah inta ay ka dhaceyso Doorashadu
Waxaana arintaan ay ka dhigantahay in xukuumadda Soomaaliya aysan wax heshiis ah la gali karin Dowladaha caalamka
Lamana oga waxa isku soo beegay in wafdi kasocda kenya ay muqdisho yimaadaan iyo in dhamaan la joojiyo heshiisyada xukuumadda