Khilaafkii Siyaasadda Oo Cirka Isku Shareeray: Shirkii Dowladda iyo Mucaaradka oo Fashilmay”

1 minute, 9 seconds Read

Shirkii maalmahan uga socday Muqdisho Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa la sheegay inuu fashil ku soo dhammaaday, kadib markii dhinacyadu ay isku fahmi waayeen arrimaha la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka.

Sida ay sheegayaan xogaha laga helayo kulanka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeystay in dowladdiisu ay qabaneyso doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaradku ay si cad uga hor yimaadeen qorshahaasi, iyagoo dalbanaya hannaan doorasho oo heshiis siyaasadeed lagu yahay.

 

Wararka ayaa intaas ku daraya in hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay saacadaha soo socda yeelan doonaan kulamo gaar ah oo ay uga arrinsanayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, kadib fashilka ku yimid wada-hadalladii u dhexeeyay labada dhinac.

 

Kulamadan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa garwadeen ka ahaa wakiillo ka socday beesha caalamka, kuwaas oo dadaal ugu jiray sidii loo gaari lahaa is-afgarad siyaasadeed oo ku saabsan doorashooyinka iyo khilaafka dastuuriga ah.

 

Waxaa sidoo kale la filayaa in beesha caalamka ay soo saarto war rasmi ah oo ay kaga hadlayso natiijada wada-hadallada Muqdisho, kuwaas oo ugu dambeyn ku dhammaaday is mariwaa siyaasadeed.

Gudaha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *