Waxaana maanta lagu wadaa in Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hirshabeele in ay ka dhacdo doorashada laba kursi oo mid ah kuraasta Aqalka Sare uu ku leeyahay Maamulka Hirshabeele
Amaanka Magaalada howhar oo maanta la filayo in doorashadu ay ka dhacdo ayaa aad loo adkeeyay
Waxaana lagu wada in maanta si rasmi ah loo qabto doorashada kuraas taas oo dib udhac uu ku yimid maalmo ka hor
Wararka ayaa sheegaya in Labadaan kursi uu wali muran xoogan ka taaganyahay islamarkaasna ay suurtagal tahay in markale dib loo dhigo
Laba maalin ka hor ayay aheyd markii doorashadii lagu balansanaa in ay ka dhacdo Jowhar ay baaqatay kadib markii Qaar ka mid ah xildhibaanada maamulka hirshabeele oo careysan ay jirdileen guddoomiye ku xigeenka Barlamaanka Hirshabeele
Iyadoona gacan ka hadalkaasi iyo buuq fara badan oo ka dhashay ay sababeen in dib udhac uu ku yimaado Doorashada Aqalka Sare Ee ka dhici laheyd Magaalada Jowhar