Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, oo uu weheliyo Taliyaha TÜRKSOM, Sarreeye Gaas Sebahattin Kalkan iyo saraakiil kale.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, dardargelinta hawlaha wadajirka ah, tababarrada ciidamada iyo taageeridda dhismaha awoodda difaaca Soomaaliya.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka argagixisada, tayeynta ciidamada qalabka sida iyo horumarinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in ay jiraan kooxo uu ku sheegay inay kasoo horjeedaan dowlad-dhiska Soomaaliya islamarkaana dhibsanaya xiriirka sii xoogeysanaya ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
Dhankiisa, Safiirka Turkiga iyo saraakiisha la socday ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay Turkiga siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka ciidamada iyo dib-u-dhiska hay’adaha difaaca.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Dhulka ahna ku simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, iyo masuuliyiin kale oo ka socday labada dhinac.
