Hoggaamiyaha Turkiga ayaa sheegay in dalkiisu ka fikirayo iibsashada gantaal labaad oo Ruush ah inkastoo diidmo xooggan ay ka qabaan xulafada NATO ee Maraykanka. Wareysi uu siiyay telefishanka Mareykanka ee CBS News, ayuu Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ku sheegay in Turkigu uu si madax bannaan u qaadan doono go’aanno ku aaddan nidaamyada difaaca.