Warar kala duwan ayaa kasoo baxay weerar xoogan oo xubno ka tirsan dagaalamayaasha ay ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Ex-koontarool balcad ee muqdisho.
Weerarkaan ayaa waxa la sheegay in uu qaatay in muddo ah islamarkaasna uu iska hor imaad xoogan dhexmaray ciidamada dowladda iyo xubnihii ka tirsanaa al-shabaab
Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada Weerarkaan waxaana ay sheegeen in khasaare ay ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda
Al-shabaab wararka ay ku baahiyaan dhinaca barahooda intarneetka waxa ay ku sheegteen in dagaal toos ah ay ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin halka looyaqaan Shaneemo Cabdi Waayeel oo ka tirsan degmada Heliwaa.
al-shabaab ma aysan cadeyn tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhshay dagaalkaan balse waxa ay sheegeen in qasaare uu jiro
Majirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda oo looga hadalayo Weerarka laga fuliyay qeybo ka mid ah Degmada Hiliwaa