244826794 4603381486410577 6423949738643059928 n 696x464 1 - Wardeeq news

Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Guutada 8aad ee Qeybta 60aad .

Adan Shiniyow Ibrahim Wuxuu ahaa Sarakiisha Sare sare Al-Shabaab u qaabilsaana Jabhada  wuxuuna ahaa  Hogaamiye Ciidan gaareya 30-Askari, iyo Hagida Howlgalada iyo Abaabulka Dagaalada.

Aadan ayaa Alshabab ku jirey Mudo 10-sano wuxuuna ka soo howlgaley  Deeganada   Gobolada Hiiran ,Gedo, Baay ,iyo Bakool, isagoona ka qeyb qaatey Dagaalo Dhowr ah oo ka dhacay Qeybo ka mid ah Gobolka Gedo iyo Hiiran.

Taliska qeybta 60 aad ee ciidanka dowladda ayaa sheegay in Aadan uu isa soo dhibay ka dib markii uu xiriir lasoo sameeyay saraakiil ciidan.

Waxaa uu ugu baaqay xubnaha ku jira Al-Shabaab in ay isku soo dhiibaan ciidanka dowladda Soomaaliya, isagoo tilmaamay in xubno ka mid ah Shabaab oo kasoo horreeyay uu quustay qaatay.

Verified by MonsterInsights