Mareykanka iyo Taalibaan ayaa yeeshay wada hadalkii ugu horreeyay tan iyo markii ay Afghanistan ka baxday

0
75

Saraakiisha sarsare ee Daalibaan iyo wakiilo ka socda Mareykanka ayaa ka wada hadlay “furitaanka bog cusub” xiriirka dalalkooda markii ay wadahadallada ka bilaabeen Qadar, sida uu sheegay sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda Afghanistan. Kulammada shaqsiga ah ee Sabtidii ka billowday Doha ayaa ah kuwii ugu horreeyay tan iyo markii ciidamada Mareykanka ay ka baxeen Afghanistan bishii Ogosto-taasoo soo afjartay joogitaanka milateri oo 20 sano ah-iyo awoodda Talibanka oo sare u kacday. Mullah Amir Khan Muttaqi, sii -hayaha wasiirka arrimaha dibadda Afghanistan, ayaa sheegay in diiradda wafdiga Afgaanistaan ​​ay tahay gargaarka bani’aadamnimada, iyo sidoo kale hirgelinta heshiiskii Daalibaan ay la saxiixdeen Washington sannadkii hore kaas oo dhabaha u xaarayay bixitaankii ugu dambeeyay ee Mareykanka. Wasiirka ayaa sheegay in wafdiga Afghanistan ay ka codsadeen Mareykanka in xayiraadda laga qaado kaydka bangiga dhexe ee Afghanistan. Wuxuu intaas ku daray in Mareykanku uu siin doono dadka reer Afghanistan tallaallo ka dhan ah COVID-19. Wafdiga Taliban ayaa markii dambe la kulmi doona wakiillo ka socda Midowga Yurub.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here