Weerar Madaafiic ah Oo Dhacay Gobolka Bay

0
75

Warar aan ka helayno Deegaano ka tirsan Gobolka Bay ayaa waxa ay kusoo Waramayaan in xalay Weerar  Madaafiic loo adeegsay uu ka dhacay  Saldhig Ciidamada Amisom ay ku leeyihiin Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay

Weerarkaan ayaa yimid kadib markii xubno Katirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ay tiro Madaafiic ah la beegsadeen saldhig Ciidamada Amisom gaar ahaana kuwa itoobiya ay ku lahaayeen Degmada Buurhakaba

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Weerarkaan waxaana ay sheegeen in  9 Madfac ay ku garaaceen Xero Ciidamada itoobiya ay ku leeyihiin Degmada Buurhakaba

Warar dhinaca  intermeetka ay ku faafiyaan Alshabaab waxa ay ku sheegeen in madaafiicdaan ay intooda badan gudaha xerada ay ku dheceen

Alshabaab ayaa sheegtay in Weerarkaan ay ku dileen sadax askari oo ka tirsanaa Ciidamada itoobiya ee nabad ilaalinta ujooga soomaaliya

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here