Pakistan iyo somaliya waxa ay ku yeesheen Magaalada Islamabad Ee Caasimada Wadankaasi Pakistan.
Afhayeenka Ciidanka Badda Pakistan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in kulanka ay wada qaateen taliyaha Ciidanka badda Pakistan iyo Danjiraha Soomaaliya ufadhisa Dalka Pakistan
Waxaana uu sheegay in kulanka ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sara u qaadista wada shaqeynta Dowladda Faderaalka soomaaliya iyo Dowladda Pakistan.
Danjiraha soomaaliya ee Pakistan ayaa waxa la sheegay in ay booqatay xarumaha Ciidamada Badda Pakistan iyadoona u kuurgashay sida ay usocdaan Howlaha Ciidanku
Soomaaliya ayaa muddoyinkii dambe kordhisay xirirrada ay la yeelanayso wadamada caalamaka
Waxaana khubarada u dhuun duleela arimaha siyaasada soomaaliya ay sheegeen in haatan uu soo wanaagsanaanayo xirrirka soomaaliya ee arimaha dibada
Iyadoona maalinba maalinka kadambeeysa la arkayo dalal badan oo iskudaya in ay lasoo xariiraan madaxda Dawladda Faderaalka soomaaliya si ay xiriir wada shaqeyd ula yeeshaan