Howlgal laga sameeyay Magaalada Beledweyne

0
92

Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka  Hir-Shabelle ayaa howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayay waxa ay ka sameeyeen qaybo kamid ah xaafadaha Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan

Ciidamada ayaa baaritaano ku sameeynayay Bartaamaha laamiga dadka iyo gaadiidka isticmaalaya, sida ay wardeeqnews  u sheegeen dad ku sugan Magaalada Beledweyne.

Howlgalkan ayaa Saraakiisha Ciidamada ammaanka waxa ay ku sheegeen ujeedkeedu in uu yahay sidii loo xaqiijin lahaa amniba loo adkayn lahaa amniga Guud ee Magaalada Beledweyne maadama Beledweyne ay kamid tahay Magaalooyinka loo asteeyay ina ay dhawaan kadhacaan doorashada xubnaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Howlgalkan Ciidamada Booliska ay ka sameeyeen Beledweyne ayaa saraakiisha Ciidamada waxaa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan ilaa iyo inta laga xaqiijinayo ammaanka Magaalada.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here