Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo ayaa ugu baaqay militariga Myanmar in ay sii daayaan maxaabiista siyaasadeed oo ay joojiyaan dhammaan rabshadaha intii lagu guda jiray kulan ay ku yeesheen magaalada Glasgow ee dalka Scotland. Sida laga soo xigtay Aqalka Cad, “waxay muujiyeen walaac ku saabsan afgambiga Burma waxayna ku heshiiyeen in militariga Burma ay joojiyaan rabshadaha, sii daayaan dhammaan maxaabiista siyaasadeed, oo ay bixiyaan dib u soo celinta dimoqraadiyadda”.