20161123636154833018616423Abaaraha Somalia 1 - Wardeeq news

Maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in ugu yaraan afar qof ay marayso tirada dadka gaajada iyo oonka ugu dhintay gobolka, arrintaas oo ka dhalatay xaalad darran oo abaar ah oo fara ba’an ku hayso deegaannada gobolka.

Gobolka Gedo ayaa ka mid ah gobollada Soomaaliya ee ay saameysay abaarta kaddib markii ay baaqdeen roobabkii deyrta.

Dhawaan ayay ahayd markii Qaramada Midoobey ay sheegtay in bisha May ee sanadka soo socda 7.7 milyan oo qof Soomaaliya ku nool ay kaalmo bani’aadanimo doonaan.

Arrimahaasi ayaan goor dhaweyd ka wareysanay guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buule Maxamed (Canjeex).

Verified by MonsterInsights