Ururada u dooda xuquuqul insaanka ayaa ka warbixiyay tacadiyada ka dhanka ah Tigrayga Itoobiya

0
153

Xoogaga hubaysan ee ka soo jeeda gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya ayaa sare u qaaday dilalka, xadhiga baahsan iyo cayrinta qoomiyadda Tigrayga ee ku nool dariska la ah Tigrayga, sida ay sheegtay Amnesty International iyo Human Rights Watch (HRW). Galbeedka Tigrayga ayaa lagu arkay qaar ka mid ah rabshadihii ugu xumaa ee colaadda muddada sanadka ah ka dhex jirtay dowladda federaalka iyo xulafadeeda ka soo jeeda gobolka Axmaarada iyo ururka Tigray People’s Liberation Front (TPLF), oo ka talin jiray Itoobiya.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here