Monday, May 20, 2024

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Faah faahin laga helayo Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo

Faah faahin laga helayo Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Bar-koontorool oo Ciidam ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland ku leeyihin duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu ymid kadib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Bar-koontorool oo Ciidamada jubbaland ku leeyihiin dgaanka Baarka ee duleedka Kismaayo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan saacad socday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay, hayeeshee ay sheegeen in sirasmi ah u xaqiijin karin dadka ku waxyeeloobay dagaalkaas.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland weli wax faah faahin ah dagaalkaas kama bixin, waxaana uu daba socdaa xilli Ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ay howlgallo ka sameeynayaan degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Saxafiyad  Hana Ismaacil

RELATED ARTICLES

Muxuu Yahay Xalka Labada Dhiinac khilaafka DF Soomaaliya iyo Puntland

Wakiika gaarka ah ee Qaramada Midoobayu qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Marwo Catriona Laing ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe...

Mid, Kamid Ah  Ayaa Ka Soo Goostay Shabaab

Aadan Macalin Cali Yarow ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ka howl-gala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Aadan...

Dowlada Federaalka Somaliya Oo Ku Faantay Arrin Ay Sheegtay inay Dalal Badan uga Horeyso – Maxay Tahay ????

La-taliyaha Madaxweynah JFS ee Arrimaha Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sidoo kale waxa uu ku faanay in dhanka diblomaasiyadda...