Farmaajo oo Ciidamo dul-dhigay Xafiiska RW Rooble

0
142

Ciidamo kamid ah ilaalada Maxaxtooyada Soomaaliya kana amar qaata Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo ayaa Maanta la dul-dhigay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Arrintaan ayaa salka ku heeysa khilaafka xoogeystay ee u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, iyada oo Farmaajo xalay soo saaray qoraal uu ku sheegay in uu Shaqa joojin ku sameeyay Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa sheegay in waxa socda ay yihiin Afgembi, isla markaana si sharci darro ah Ciidamo loo soo dhigay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Waxa socda saaka waa afgambi dadban mase guulaysanayo. R Rooble wuxuu leeyahay Xafiis shaqo oo uu Dastuurku Fariisiyay.

In Ciidan Sharci darro lagu geeyo si looga hor istaago waxeey furaysaa albaab cusub mana shaqayndoonto insha allaah.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here