Sunday, May 19, 2024

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Cutubyo Ka Tirsan Ciidanka DANAB Oo Fuliyay Howlgal Lagu Dilay Xubno...

Cutubyo Ka Tirsan Ciidanka DANAB Oo Fuliyay Howlgal Lagu Dilay Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab

Ciidanka Kummaandooska DANAB gaar ahaan kuwa Ururka 4-aad guutada 16-aad ee Xoogga dalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgalo qorsheysan ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

Ciidanka Kummaandooska DANAB ayaa howlgalkaas si gaar ah uga fuliyey degaanka Gamboole oo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, iyadoona degaanka ay tageen Ciidanka dowladda.

Taliyaha guutada 16-aad Kummaandooska DANAB Gashaanle dhexe, Axmed Cabdullaahi  Nuur Beeryare ayaa waxaa uu sheegay in inta uu socday howlgalka lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo joogay Gamboole ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliye Axmed Cabdullaahi Beeryare ayaa tilmaamay in la dilay 5 Sarkaal iyo xubno kale oo kamid ah Shabaabka, waa sida uu hadalka u dhigay Taliyaha oo intaas kusii daray in howlgalka la fuliyay uu yahay mid sii socon doona.

Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa degaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ka fuliyay howlgalo ka dhan ahaa Al-shabaab, waxaana dhinacyada marar kala duwan dhexmaray dagaalo khasaaro kala duwan dhaliyey…

RELATED ARTICLES

Muxuu Yahay Xalka Labada Dhiinac khilaafka DF Soomaaliya iyo Puntland

Wakiika gaarka ah ee Qaramada Midoobayu qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Marwo Catriona Laing ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe...

Mid, Kamid Ah  Ayaa Ka Soo Goostay Shabaab

Aadan Macalin Cali Yarow ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ka howl-gala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Aadan...

Dowlada Federaalka Somaliya Oo Ku Faantay Arrin Ay Sheegtay inay Dalal Badan uga Horeyso – Maxay Tahay ????

La-taliyaha Madaxweynah JFS ee Arrimaha Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sidoo kale waxa uu ku faanay in dhanka diblomaasiyadda...