Rabshadaha ka taagan Kazakhstan ayaa soo jiitay indhaha guud ahaan gobolka oo ay ku jiraan dalalka dariska la ah ee Ruushka iyo Shiinaha iyo sidoo kale quwadaha reer galbeedka, iyadoo mudaaharaadyadu isu beddeleen dhimasho.
Saraakiisha Kazakhstan ayaa sheegay Khamiistii in daraasiin dibadbaxayaal ah oo dowladda ka soo horjeeda oo ku sugnaa magaalada ugu weyn ee Almaty la dilay, iyagoo sheegay inay isku dayeen inay xoog ku galaan xafiisyada dowladda iyo saldhigyada booliiska xalay.