FB IMG 1641580976514 - Wardeeq news

Waxa soo gabagaboobay kulankii ay xalay hotel Decale ku lahaayeen Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaran ee looga arinsanaya doorashooyinka kaas oo shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay dhammaan madaxda maamul goboleedyadda iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Dhinacyadda ayaa xalay si wey uga dooday sixitaanka doorashada waxaana jira isku soo dhawaansho ka roon sidii maalmihii lasoo dhaafay.

Shirku wuu sii socon doonaa  waxana la filayaa inuu ka soo baxo gunaanadka Warmurtiyeed rasmi ah oo quseeya arimaha doorashooyinka sida hufnaanta doorashada, waqtiyeynta iyo amniga.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in maanta mar kale la isku soo laaban doono si doodaha shirka ay u sii socdaan.

Verified by MonsterInsights