Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa fasaxday banaanbaxa Mucaaradka la qorsheynayo in khamiista ka dhaco Magaaladda Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu fasaxay Banaanbaxa mucaaradka dhiganayaan.
Wasiirka wasaaradda ayaa faray Taliyaha Booliska Soomaaliyeed iyo Taliyaha Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir inay sugaan amniga bannaan baxayaasha. Sidoo kale qaban qaabiyeyaasha bannaan baxa ayuu ugu baaqay inay ka foggaadaan wax rabshado ah.