Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdifataax Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska UNTMIS ee magaalada Baydhabo, Mudane Englbert Kueko.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga u dhexeeya Xafiiska UNTMIS iyo Xafiiska Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed, iyada oo si gaar ah looga wada hadlay taageerada hay’adaha caalamiga ah ee ku aaddan xasilinta, horumarinta iyo adkeynta hay’adaha dowliga ah.
Labada dhinac ayaa isla qiray muhiimada ay leedahay in la dardargeliyo wada-hawlgalka joogtada ah, si loo xaqiijiyo hirgelinta barnaamijyada mudnaanta u leh Dowladda Koonfur Galbeed, loona xoojiyo doorka UNTMIS ee taageerada dowlad-dhiska iyo nabadeynta.
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed ayaa uga mahadceliyay Madaxa Xafiiska UNTMIS booqashadiisa iyo taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Dowladda Koonfur Galbeed, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashiga wax ku oolka ah.
