Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdifataax Mahad Cabdiraxmaan ayaa maanta si rasmi ah u furay shir muhiim ah

Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdifataax Mahad Cabdiraxmaan ayaa maanta si rasmi ah u furay shir muhiim ah oo diiradda lagu saaray xasillinta deegaannada laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, hay’adaha amniga, wakiillo ka socday hay’adaha iyo bulshada rayidka.
Intii uu socday furitaanka shirka, Agaasimaha Guud ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay adkeynta amniga, dib-u-soo celinta adeegyada aasaasiga ah, horumarinta maamulka deegaannada la xoreeyey iyo ka qeybgalka bulshada, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo xasillooni buuxda.
Agaasimaha ayaa xusay in Dowladda Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay in deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta la gaarsiiyo adeegyo dhameystiran, lana dhiirrigeliyo wada-shaqeyn dhex marta hay’adaha dowladda iyo shacabka.
shirka ayaa lagu wadaa in lagu falanqeeyo caqabadaha jira, lana soo jeediyo talooyin wax ku ool ah oo lagu dardargelinayo geeddi-socodka xasillinta iyo dib-u-dhiska deegaannada.
