Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka bilowday dhageysiga dacwadda loo haysto askarta ku eedeysan inay si bareer ahi u dileen Gudoomiyihii Degmada Hodan ee Maamulka Gobolka Banaadir, Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhegajuun).
Gudoomiyaha ayaa 21-kii bishii January lagu dilay inta u dhaxeyso Isgoysyada Howlwadaag iyo Aadan Cadde ee Degmada Howlwadaag, ka dib markii la rasaaseeyay gaarigiisii.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, General Cabdullaahi Buule Kamey ayaa 11-kii bishan sheegay in baaritaankii la sameeyay lagu ogaaday in dilkaasi uu ahaa mid si ulakac ah loo gaystay.
Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa goor dhow furay wejiga 1aad ee gal dacwadeedka eedeysaneyaasha oo toddobo askari ah.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa dacwadda ku soo oogay askartaasi, inkastoo askar kale oo lala soo qabtay la sii daayay, intii uu baaritaanku socday.
Goobta ay dhageysiga maxkamaddu ka socoto ayaa waxaa ku sugan ehelada Gudoomiyihii Degmada Hodan iyo masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.
Wasiirka Amniga Somaliya, Xasan Xundubey Jimcaale ayaa mar sii horeysay qoyska marxuumka u rajeeyay inay cadaalad helaan.
wardeeq news